7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya hoobiye khasaare geystay oo ku habsaday guri ku yaala deegaanka Bariire
 

Arbaco, Juun 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay madaafiic ciidanka ATMIS ay ku garaaceen degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Bariire oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegeen in mid ka mid ah Hoobiyaasha uu ku dhacay guri ay daganayeen dad shacab ah oo ku yaala deegaanka Bariire.

Hoobiyaha ku dhacay guriga dadka shacabka ah ay daganayeen ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen Aabe iyo sadax caruur ah oo uu dhalay, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegeen in ciidanka ATMIS inta badan maqrib walba ay tuuraan tiro madaafiic ah oo aysan u meel dayan taasoo ay walaac xoogan ka muujiyeen dadka ku nool deegaanka Bariire iyo nawaaxigiisa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka ATMIS oo ku aadan khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay tuureen ee waxyeelada kasoo gaartay dadka shacabka ee isku qoyska ah.