7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2023
Faahfaahin ku saabsan sababta keentay in laga celiyo magaalada Garbahaareey diyaarad siday maamulka cusub ee Gedo
 

Arbaco, Juun 14, 2023 (HOL) - Dhinacyada isku haya siyaasada gobolka Gedo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay diyaarad Shalay laga hor istaagay iney ka dagto garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaareey, taasoo ay la socdeen xubno ka mid ah maamulka cusub ee gobolka Gedo dhawaan uu u magacaabay madaxweynaha Jubbaland.

Talaabada diyaaradaha looga celiyay magaalada Garbahaareey ayaa la sheegay iney la xariirtay banaanbaxyo xoogan oo dadka deegaanka ay kaga soo horjeedeen imaashaha maamulka cusub oo ka dhacay garoonka iyo gudaha degmada, kaasoo ay qeyb ka ahayeen xubno ka tirsan masuuliyiinta degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo ka hadlay dhacdada la xariirta in diyaaradii siday maamulka cusub ee Gedo laga soo celiyay Garbahaareey ayaa sheegay in gobolka aysan ka jirin wax dhibaato ah, islamarkaana maamulka Jubbaland uu ka shaqeynayo in gobolkaas uu ka hergeliyo nidaamkii iyo kala dambeyntii dowliga aheyd.

Isagoo ka hadlaayay sababaha keenay in diyaarada siday guddoomiyaha cusub ee Gedo in laga hor istaago garoonka ayuu sheegay in sababtu aheyd cilad ku timid diyaarada.

"Diyaaradaha waad ogtahay waxay leeyihiin nidaam gooni ah oo qofkii hayay gacankii laga hayay diyaaradda ayaa damiyay ama waa ka damay oo batari la’aan baa ku dhacday marka diyaaradda markii ay weysay xiriir garoonka ayay dib u noqotay guddoomiyuhuna waa imaanayaa bulshada deegaanka wax garadka iyo maamulka diyaar ayay u ahaayeen” ayuu yiri madaxweyne ku xigeen Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Garbahaareey Aadan Siraad Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay iyagu hor istaageen diyaarada inay soo caga dhigato magaalada Garbahaareey.

"Diyaaradaasi warbixinteeda horay ayan u heynay amarka diyaaradda lagu celiyayna annaga ayaa bixinay, ma jirto wax farsamo xumo ah oo dhacday diyaarad safar soo gashay ayey eheed waxaasina waa iska sheeko xumo, mana aqbalin doono iney dib usoo laabato” ayuu yiri Aadan Siraad Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee arrimahaan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan uu u magacaabay gobolka Gedo maamul cusub oo badalaya kii hore madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe, xili dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu soo jiitamaayay khilaafka adag ee u dhaxeeyay maamulka gobolkaas u magacawday dowladdi hore ee Farmaajo iyo madaxda maamulka Jubbaland.