7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2023
Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo ku eedeeyay ciidamada xoogga dalka inay qaab qabiil u weerareen Baraawe

Arbaco, Juun 14, 2023 (HOL) - Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ee lagasoo doorto Koonfur Galbeed, ayaa ku eedeeyay ciidamada xoogga dalka inay weerareen madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Daraawiishta maamulkaas.

Shir jaraa’id oo ay xildhibaanadu ku qabteen magaalada Muqdisho waxay sheegeen mas'uuliyadda ka dhalata weerarkaas inuu qaadayo taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Baraawe, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale.

Xildhibaanadu waxay ku eedeeyeen sarkaalkan inuu qalqal galiyay xasiloonida degmada Baraawe, islamarkaana uu caqabad ku noqday nidaamka dowladnimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Sarkaalkaas wuxuu kasoo horjeedaa jiritaanka Koonfur Galbeed. Waxaa marqaati ma doonto ah in gobolka Shabeellada hoose si gaar ah loogu dhibaateeyo shacabka. Taas waxaa caddayn u ah in taliyayaasha SNA ay yihiin dad isku beel ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xildhibaanada.

Sidoo kale, xildhibaanadu waxay cambaareeyeen ciidanka ATMIS ee ka howlgalla degmada Baraawe. Waxay ku eedeeyeen inay garoonka diyaaradaha Baraawe ku wareejiyeen maleyshiyo beeleed sheegta in ay yihiin SNA.

Waxay kaloo ku eedeeyeen ciidamada ATMIS in gacantooda lagala baxay askari dhaawac ah oo katirsan ciidanka Koonfur Galbeed, kaddibna ay dileen ciidanka militariga SNA.

Xildhibaanadu waxay madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqeen inuu si degdeg Baraawe ugasoo saaro ciidanka xoogga dalka oo ay ku tilmaameen maleyshiyo beeleed, lagana qaado tallaabo waafaqsan dambiyada ay geysteen sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, isku hor imaad dhexmaray ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Inkastoo xaaladdu saakay degen tahay, haddana xiisado colaadeed oo kacsan ayaa laga dareemayaa magaalada Baraawe.