7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2023
Midowga Afrika oo mar kale ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka

Arbaco, Juun 14, 2023 (HOL) - Danjiraha midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxda howlgalka ATMIS, El-Amine Souef ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay taageeraan qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Madaxa ATMIS ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, inay ka caawinayso ciidamada amniga Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegaan lahaanshaha amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii wafdi ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay soo gebagebeeyeen safar ay ku tageen Soomaaliya si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan juun iyo September 2023.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa bogaadiyay dadaallada isku dhafka ah ee ka dhaxeeya ATMIS, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (XFS) ee ku aaddan xaqiijinta habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

“Wasaaradda gaashaandhigga ayaa hormuud ka ahayd howshan, xil wareejinta iyo la wareegidda waxay daliil u tahay in ciidamadeenna amniga Soomaaliya ay muujiyeen awooddooda si ay ula wareegaan amniga dalkooda,” ayuu yiri Wasiirku.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu heystaa ilaa 31ka Diseembar 2024 si uu uga baxo Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh ay mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.