4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 1 , 2023
Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Khamiis, Juun 1, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo wadajir ah ka sameeyay inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ciidamada iskaashanaya ayaa la sheegay in lagu beegsaday oo lagu burburiyay xarumo kooxda Al-shabaab ay ku lahayeen inta u dhaxeysa wadada dheer ee xariirisa labada deegaan ee Balcad iyo Golaleey.

“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS iyo Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa qaadey Howlgal dagaal oo isku dhaf ah oo lagu qaadey wadada udhaxeysa Balcad iyo Galooley oo dhan 10 KM oo badanaa dadka safarka ah ay ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Howlgalka ciidamadan ayaa imaanaya, iyadoo tiro dhowr jeer oo hore dagaalamayaal ka tiraan Al-shabaab ay weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah oo khasaare badan geystay ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Howlgalkaa waxaa lagu burburiyey jidgooyooyin sharcidaro ah oo ay dhigeen maleeshiyadu waxaa kaloo lagu ciribtirey Al-Shabaab qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Ciidamada Dowlada, ATMIS iyo shacabka deegaanka” ayay sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay ATMIS.