4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 1 , 2023
Ciidamada Uganda oo sheegay inay dib ula wareegeen gacan ku heynta degaanka Buulo Mareer
 

Khamiis, Juun 1, 2023 (HOL) - Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) oo isugu jira kuwa lugta ah oo hubeysan , ayaa sheegay inay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Buulo Mareer iyo tuulooyinka hoos yimaada oo ay kooxda Al-Shabaab qabsadeen dhawaan.

Sarreeye Guuto Peter Gaetano Omola, oo ah taliyaha qeybta 1-aad oo ka hadlayay howlgal ay ka sameeyeen aagga degaanka Goloweyn, ayaa sheegay inay xaaladdu caadi kusoo laabatay, ayna dib u fureen isku socodka gaadiidka iyo dadka.

“Shacabka iyo dadka safarka ah waxay xor u yihiin inay wataan hawlahooda caadiga ah. Waxaan sameynay howlgal si aan u xaqiijio in Al-Shabaab ay weli ku dhuumaaleysanayaan degaanka. Sidoo kale waddada waxaa laga saaray qaraxyo. Dadku hadda way sii wadan karaan shaqadooda maalinlaha ah,” ayuu yiri Peter Gaetano Omola.

Brig Gen. Omola  waxa uu sheegay inay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ka go'an tahay inay taageeraan nabadda iyo xasilloonida Soomaalida.

Maajo 26, 2023, Alshabaab, oo adeegsanaysa saddex baabuur oo ay ku raran yihiin bambooyin iyo boqolaal dagaalame, ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidanka ATMIS ee Buulomareer.

Alshabaab ayaa sheegay inay 137 askari oo katirsan ciidamada Uganda ku dileen weerarkaas. Iyagoo soo bandhigay maxaabiis ay ku qabteen weerarka iyo gaadiid dagaal oo ay gubeen.