4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 1 , 2023
Al-shabaab iyo ATMIS oo madaafiic isku weedaarsaday degmada Qoryooleey

Khamiis, Juun 1, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo Xalay kooxda al-shabaab ay ku qaaday xero ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose

Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee Xalay ayaa ahaa mid si weyn looga maqlayay jugta hoobiyaasha dhamaan xaafadaha degmada Qoryooleey, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in madaafiicda ay ahayeen kuwa intooda badan ku dhacay Xerada ciidanka ATMIS iyo nawaaxigeeda oo aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ciidanka ATMIS ay dhankooda ka jawaab celiyeen weerarka, islamarkaana hubka culus ay u ridayeen dhanka ay kaga imaanayeen madaafiicda lagu garaacayay xeradooda.

Wali si dhab ah looma oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay xalay degmada Qoryooley isku weedaarsadeen kooxda Al-shabaab iyo ciidanka ATMIS ee ku sugan degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday xero ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ay ku leyihiin degmada Buula mareer, kaasoo geystay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray ciidanka Uganda.