7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 9 , 2023
Howlgal lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Axad, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo taageero ka helaya saaxiibada Caalamiga ah ay Xalay ilaa saakay howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Afmadoow in lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka uu dhacay saddex jeer oo kala duwan, islamarkaana lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale la tilmaamay in howlgalkooda ay kaga hortageen qorshayaal kooxdu ay u maleegeysay dadka rayidka ah iney ku wax yeeleeyaan.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa deegaanada gobolka Jubbada Hoose si aad ah ugu soo kordhaayay howlgalada ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka sameynayeen deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan Jubbada Hoose oo ka mid ah meelaha wali al-shabaab ay ku xoogan yihiin.