7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 9 , 2023
Xildhibaanada labada aqal ku matala Puntland ee Garowe ku sugan oo ka hor yimid furista dastuurka
 

Axad, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Xildhibaanada labada aqal ee federaalka ku matala Puntland, kuwaas oo Garowe u joogay xal u helista khilaafka Siyaasadeed ee madaxweyne Deni iyo mucaaradka, ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku sheegayaan in aysan suurta gal ahayn in doorasha qof iyo cod ah xilligeedii laga qabto Puntland.

Xildhibaanada labada aqal ayaa soo jeediyay in doorashada Puntland la qabto 8-da January 2024, waqtigeediina ku dhacdo laguna qabto nidaamkii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray xubnaha Baarlamaanka.

Xildhibaanadu waxay kaloo ka hor yimaadeen furista dastuurka Puntland, iyagoo baarlamaanka ugu baaqay inuu ka waantoobo waxkasta oo dhibka sii kordhin kara, oo ay ugu horayso in wax laga beddelo Dastuurka qoddobaddiisa.