7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 9 , 2023
Midowga musharraxiinta madaxweynaha Jubbaland oo looga dhawaaqay Nayrobi
 

Axad, Luulyo, 9, 2024 (HOL) - Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland oo magalaada Nayrobi shir ku yeeshay ayaa waxay ku dhawaaqeen Midowga musharraxiinta madaxweynaha ee maamulka Jubbaland.

Midowga musharraxiinta Jubbaland ayaa bayaan ay shirkoodii ugu horreeyay kasoo saareen, waxay dowladda federalka ku eedeeyeen inay sharci daro ku taageerayso madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland ahna senator katirsan aqalka sare, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag oo katirsan midowgan, ayaa sheegay dowladda federalku inay cadaadis ku saarayso maamulka u jooga Gedo inay si khasab ah kula shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe.

Farataag wuxuu sheegay, dowladda federalka inay ugu hanjabtay ciddii aan la shaqeyn maamulka cusub ee uu Axmed madoobe usoo magacaabay gobolka Gedo, inay mushaarka ka goosanayso.

Wuxuu sheegay in dowladdu adeegsanayso taliyayasha ciidamada, sida taliyaha ciidanka booliiska iyo taliyaha nabad sugidda, kuwaas oo uu sheegay inay cago juglayn ku hayaan reer Gedo.

Wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay Jubbaland gaarsiiyaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdulllaahi Oomaar ayaa ku eedeeyay madaxweyne Axmed Madoobe, 13 sano oo uu xilka jooga inuusan hal tuulo ka xorayn Alshabaab.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar wuxuu sheegay in ay doonayaan in doorasho xalaal ah oo waqtigeedii ku dhacda laga qabto Jubbaland.