5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 8 , 2023
Madaafiic lagu garaacay magaalada Laascaanood oo dhimasho iyo dhaawac gaystay
 

Sabti, Luulyo, 8, 2024 (HOL) - Sida ay wararku sheegyaan madaafiic kusoo dhacday qaybo kamid ah magaalada Laascaanood ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, sidookale dagaal ayaa dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Sida BBC Somali sheegtay  tiro dad ah ayaa ku dhintay tirro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii madaafiic ay soo tuureen ciidamada Somaliland ay ku dhaceen qaybo kamid ah magaalada.

Mid kamida madaafiicda ayaa ku dhacay goob maqaaxi ahayd oo ay dad ku sugnaayeen, sidoo kale qaybta shaybaadhka ee isbitaalka wayn ee magaalada ayaa lagusoo warramayaa in madaafiicdu ay waxyeelleeyeen kaddib markii mid kamida uu ku dhacay, sida BBC markale sheegtay.

Sidookale, wararka ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, dagaalkaas oo laysku isticmaalay madaafiicda culus.

Dhincyada ayaa dhawaanahan ku jiray hub iyo ciidan urursi, waxaana markasta la filan karaa in uu dagaal wayni qarxo.