7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2023
Suuqii ganacisga ee Taywaan ee magaalada Jigjiga oo dab-xoogle qabsaday
Jimco, Luulyo, 7, 2024 (HOL) -Dab xoog leh oo wadad qabsaday dhammaan Suuqa Taywaan oo ah suuqa ganacsi ee ugu weyn magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya.

Dabkaan ayaa waxay wararku sheegayaa in wada qabsaday dhammaan suuqa oo dhan. Dab-damiskii soo gaaray ayaa ilaa hadda aan ku guuleysan in ay damiyaan.

“Suuqii weynaa ee Taywaan waa dambus. Waxaan ku tilmaami karaa musiibadii ka dhacay Suuqii weynaa ee Waaheen ee magaalada Hargeysa” ayuu yiri ariyaha Hiiraan Online ee DDS ee Itoobiya

Gurmad dab-damis ah oo ka kala yimid Hargeysa, Dirdhabe iyo Harar ayaa soo gaaray goobta uu dabka ka kacay, laakin nasiib daro inta aysan soo gaarin ayuu dabkaas is-qabsaday.