7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 7 , 2023
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo ka laabtay shaqo joojin uu ku sameeyay labo agaasime
 

Jimco, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa laalay shaqo joojin uu ku sameeyay labo kamid ah agaasimayaasha wasaaradda maaliyadda, kuwaas oo kala ah, agaasimaha dakhliga iyo xisaabiyaha guud.

Labadan masuul ayuu horey wasiirka maaliyadda shaqada uga joojiyay sababa la xiriira eedeymo maamul xumo oo loosoo jeediyay. Wasiirku ma sheegin sababta keentay inuu ka laabto go’aankiisii hore.

Hase ahaatee, wasiirka maaliyaddu wuxuu tilmaamay inuu xeeriyay labada agaasime oo shaqada ku cusub ayna tahay qaladkii ugu horreeyay oo ay galaan.

Warar ayaa sheegaya in wasiirka oo cadaadis kala kulmaya madaxtooyada uu dib usoo celiyay xubnaha uu shaqada uga joojiyay.

Wasiirka maaliyaddu wuxuu ku sheegay qoraalka uu soo saaray in laalista shaqo joojintooda aysan burinayn eedeymaha maamul ee loo haystay labada agaasime.

Wuxuu sheegay inay diginin u tahay tallaabada dib shaqada loogu fasaxay, si ay ugu hoggaansamaan awaamiirta wasaaradda.