7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 7 , 2023
Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo sheegay inuu iscasilay
 

Jimco, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Agaasimihii guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdiqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii hey’addaas, una gudbiyay istiqaaladiisa Wasaaradda amniga Gudaha.

Cabdiqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho xoolo dadweyne.

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay eedeyntan loosoo jeediyay in ay tahay mid siyaasadeysan oo xafiisyada lagu go’aamiyay, iyadoo la hiigsanayo jago iyo shaqo.

Mr. Cabdul ayaa sheegay haddii uu garnaqsan lahaa inuusan jirin garsoor caddaalad ah oo la aamino karo. Wuxuu sheegay sharciga in gacmaha lagu wato.

Wuxuu sheegay intii uu xafiiska joogay in aysan jirin wax dakhli ah oo ay hay’addiisa maamushay. Wuxuu sheegay muddadii uu jooogay xafiiska in 40% uu kor u kacay dakhliga hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.