7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 7 , 2023
Guddoomiye ku xigeenka labaad aqalka sare oo soo dhoweeyay golaha cusub ee loo dhisay SSC- Khaatumo
 

Jimco, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare, Senator Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa soo dhoweeyay golaha cusub ee Khaatumo-SSC, kuwaas oo shalay Laascaanood looga dhawaaqay.

Guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ayaa sheegay in dowladda Federalka Soomaaliya iyo hay'adaha caalamiga ah ay si dhow ula shaqayn doonaan maamulka cusub, si loo dardar geliyo u gargaaridda dadkii ku barakacay dagaalkii Somaliland ku soo qaaday Laascaanood.

“Shacabka reer SSC-Khaatumo, Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaan ku dhiiriginayaa dardargelinta gurmadka, xoraynta iyo xasilinta deegaanada ay weli dhibaatada ka wadaan maamulka Soomaalinimo diidka ah,” ayuu yiri Timacadde.

Garaadada SSC ayaa soo dhisay 45 xubnood oo SSC- Khaatuma ku matalidoona arrimaha siyaasada.

Golahan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa beddelay 33-kii xubnood ee horey loo dhisay, kuwaas oo waqtigoodii uu dhamaaday.

Golahan ayaa u shaqayn doona si maamul ah, iyagoo wixii la xiriira arrimaha siyaasada iyo arrimaha biniaadantinimada kala hadli Dowladda federalka Sooamaliya iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeya.