7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 7 , 2023
Guddoonka baarlamaanka oo guddi u saaray heshiiska golaha wadatashiga qaran
 

Jimco, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumaddu usoo gudbisay Golaha Shacabka.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay kasoo talo bixindoonaan heshiiska xukuumaddu gashay, kaddibna baarlamaanka ayay dib ugusoo celin doonaan  talo bixintooda.

Magacaabidda guddigan ayaa timid xilli baarlamaanka uu aad isugu kkhilaafsan yahay heshiisakan oo meesha ka saaraya hannaanka ay ku dhisnayd dowladnimada Soomaaliya.

Heshiiska ayaa sheegaya in la mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, waxaana dalka uu qaadanayaa nidaam xisbiyo badan oo madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenka ay dooranaya shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta dalka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka iyo maamul goboleedka Puntland ayaa ka horyimid heshiiskaan, iyagoo ku tilmaamay mid meesha looga saaray awood qeybsiga siyaasadeed ee dalka.