7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 7 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la wareegtay xarumaha ay baneeyeen 2000 askari oo ATMIS ah


Jimco, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladdu la wareegtay xarumaha ay baneeyeen 2000 askari oo katirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa ciidamada ATMIS ku ammaanay inay door wanaagsan ka qaateen sugidda amniga iyo wadashaqaynta ay laleeyihiin Dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sheegay, ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed inay gaareen heer lagu hallayn karo amniga dalka ayna u diyaar garoobeen inta ka dhiman dhammaadka 2024, markaas oo askariga ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS uu dalka ka bixidoono.

Wuxuu sheegay wasiirku inay dowladdu masuuliyad weyn iska saaridoonto goobihii ay la wareegeen ciidanka, isagoo sheegay in amni la isku hallayn karo ay dowladdu ka samayndoonto goobaha ay xoreeyeen ciidanka Dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay dhameystirka wejiga koowaad dhimista ciidanka ATMIS. Midowga Afrika waxay sheegeen inay ka go’an tahay sugidda amniga Soomaaliya.