7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 7 , 2023
Kenya oo sheegtay inay 20 ka tirsan Al-Shabaab ku dishay weerar ka dhacay xadka Soomaaliya
 

Jimco, Luulyo, 7, 2024 (HOL) - Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in 20 dagaalame oo katirsan Alshabaab ay ku dhinteen howlgal ay ciidamadeedu ka fuliyeen degaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Iyadoo ay roondo ka wadeen magaalada Mandheera, cutub gaar ah oo ka tirsan booliska ayaa qaaday weerar gaadmo ah, halkaas oo ay ku dhinteen 20 Alshabaab ah, sida ay booliska ku sheegeen boggooda rasmiga ah ee Twitter-ka.

Boolisku waxay sheegeen inay soo furteen hub kala duwan oo laga helay goobta weerarka, kuwaas oo ay ku jiraan qoriga darandooriga u dhaca iyo gantaallada riddada dheer.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Kenya ay shaaca ka qaaday inuu dib u dhac uu ku yimid qorshaha dib u furista xuduudka la wadaagto Soomaaliya.

Kenya waxay sheegtay inay la tacaalayso weeraro dhimasho badan dhaliyay oo ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.