7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 6 , 2023
Wasiirka Maaliyadda XFS oo shaqo joojin ku sameeyay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda
 

Khamiis, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Digreeto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa waxaa shaqo joojin loogu sameeyay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Anas, waxaana xilkii uu hayay si Kumeel gaar ah loogu magacaabay Xisaabiye ku-xigeenka Cabdirizaaq Maxamed Abuukar.

"Habdhaqanka iyo falalka la lidka ku ah danta qaranka, nidaamka iyo maamulka Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin, Curyaaminta khash bixinta oo waqtiyeysan oo uu xisbaaiyaha guud si bareer ah u sameeyay, inuu si ula kac ah u damiyay Systam-kii SFMIS, ee ay ku shaqeynayeen Waaxda Canshuuraha, iyo inuu aaday fasax dibadeed isaga oo aan cidna ogeysiin", ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale isla Digreeto  kale oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa waxaa shaqo joojin loogu sameeyay Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in Agaasimaha guud ee Dakhliga uu si bareer ah uga hortimid amarka kasoo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya,isla markaana uu hakad geliyay howlihii socday ee Dakhliga iyo habsami u socodka howlaha Canshuuraha.