7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 6 , 2023
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in ay aqbalayso go'aan kasta oo kasoo baxa guddida doorashooyinka
 

Khamiis, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay mar walba diyaar u tahay in ay aqbasho jadwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan guddida doorashooyinku.

Qoraal kasoo baxay fadhigii 113aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in guddida doorashooyinka oo kali ahi ay awood u leeyihiin cayimida wakhtiga doorashooyinka.

"Goluhu waxa uu isku raacay in Xukuumaddu marwalba diyaar u tahay Jedwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan Komishanka Doorashooynka Qaranku oo ah hay’adda keliya ee awood sharci u leh cayimaadda wakhtiga la qabanayo doorashooyinka" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maxkamada dastuuriga ah u gudbiyay warqad ay kaga codsanayeen in ay fasiraad sharci ka bixiso xeerarka doorashooyinka ee isa soo gaadhay, taasi oo mucaaradku ay u arkaan in guddidu awoodeeda ku dhawaaqista mudada doorashada ay ku wareejisay maxkamada.

Hadaba, guddida oo dhankooda is difaacay ayaa sheegay in maxkamada ay uga baahanyihiin oo kali ah fasiraad sharci, wixii intaa ka danbeeyana ay iyagu ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashooyinka la rajaynayo in ay qabsoomaan.

Guddida ayaa sheegtay in markii hore ay doorashada madaxtooyada oo kali ahi taagnayd, lakiin intii ay xilka hayeen sidookale uu dhacay wakhtigii sharciga ahaa ee saddexdii xisbi ee hore, isla markaana ay ururo cusubi yimaadeen, taasi oo ku khasabtay in ay maxkamada la kaashadaan.