7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 6 , 2023
Muxuu u qabsoomi la'yahay shirka Isimada Puntland ee Garowe ka dhici lahaa?
 

Khamiis, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Shirkii isimada Puntland ay isugu imaan lahaayeen magaalada Garowe ayaa qabsoomi la’, sababo la xiriira khilaaf iyo kalsooni darro ka dhex jira qaar kamid ah isimada dhexdooda.

Inkastoo badi isimadu ay ku sugan yihiin magaalada Garowe, haddana ma jiro kulan rasmi ah oo iyaga dhexmaray illaa iyo haatan. Walow ay socdaan dadaalo ay wadaan siyaasiyiin ay kamid yihiin raysal  wasaarayaashii hore dalka.

Qaar kamid ah Isimada ayaa bilaabay inay si keli keli ah ula kulmaan madaxweynaha iyo dhinaca mucaaradka, iyagoo isku dayaya inay ku qanciyaan in la sameeyo tanaasul, si aanay Puntland u galin qalalaase siyaasadeed oo uu dhiig ku daato.

Isimada laftooda ayaa loo arkaa in aysan dhex dhexaad horeyba uga ahayn arrimaha ka taagan Puntland. Qaar kamid ah ayaa lagu tuhmayaa inay la safan yihiin mucaaradka, halka qaar kalena lagu tuhmayo inay dowladda raacsan yihiin.

Sababtaas ayaa loo arkaa inay tahay midda ugu weyn ee keentay qabsoomid la’aanta shirka isimada Puntland. Waxaa kaloo xusid mudan in dhacdooyinkii horey uga dhacay Puntland aanay isimadu si isku mid ah uga qeyb qaadan xalkooda.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni, sida aan xogta ku helayno kuma qanacsana qabsoomida shirka isimada. Weli madaxweynuhu lama kulmin isimada. Deni wuxuu u arkaa, wax kaste oo kasoo baxa shirka isimada in aanay farxad galindoonin.

Deni iyo guddoomiyihiisa baarlamaanka waxay aaminsan yihiin in aanay cidna ishortaagi karin arrimaha dowladdu waddo sida furista dastuurka iyo dhameystirka geeddi socodka doorashada.

Iskusoo wada duuboo, haddii aanay wax isbeddel ahi imaanin waxaa laga yaabaa inuu fashilmo shirka isimada, taasoo keeni karta in khilaafku meel adag uu gaaro.