7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 6 , 2023
Xisbiga UCID oo ka hor yimid warqad ay Guddida Doorashooyinka Somaliland maxkamada sare u gudbiyeen
 

Khamiis, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa warqad ay Guddida Doorashooyinka Somaliland maxkamada sare kaga dalbatay fasiraad sharci oo ku aadan xeerarka doorashooyinka ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Guddoomiyaha oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in codsiga guddidu uu yahay mid sharci daro ah, isla markaana ay ka xisbi ahaan aad uga xunyihiin.

"Waxaanu u aragnaa dhibaato kale oo cusub oo uu maanta koomiishanku Somaliland kusoo kordhiyay, waa tu cusub, oo wadana aan haysan, oo bilaa sharci ah, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, maanta oo loo baahnaa in dadka la mideeyo, laysku tako" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in anay maxkamadu awood u lahayn go'aanka doorashooyinka, isla markaana mar ay soo dhex gashay ay ku kordhisay uun is maan dhaaf iyo muran, ayna soo saartay go'aan lagu galayo doorasho ururo oo toos ah, taasi oo uu sheegay in ay sharci daro tahay.

Waxa uu sheegay in guddida doorashooyinka aan looga fadhiyin in ay maxkamada sare fasiraad ka dalbadan, lakiin looga baahnaa uun in ay ku dhawaaqaan wakhtiga ay qabsoomayso doorashadii madaxtooyada Somaliland.

Guddida Doorashooyinka oo iyaguna dhankooda ka jawaabay walaaca mucaaradka ayaa sheegay in ay maxkamada ka dalbadeen oo kali ah fasiraad sharci oo ku aadan shuruucda doorashooyinka lakiin ay iyagu qorshayn doonaan qabsoomida doorashooyinka.