7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 6 , 2023
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo faafaahin ka bixiyay warqad ay u gudbiyeen maxkamada sare
 

Khamiis, Luulyo, 6, 2024 (HOL) -  Guddida Doorashooyinka Somaliland oo faah faahin ka bixiyay warqad ay maxkamada sare u gudbiyeen, ayaa sheegay in ay maxkamada ka dalbadeen fasiraad sharci oo la xidhiidha xeerarka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in kadib is badalo ku yimid hanaanka doorashooyinka Somaliland ay maxkamada uga baahdeen fasiraad sharci.

"Warqadaasi waxay ka hadlaysay fasiraad sharci oo aanu qornay ka koomiishan ahaan oo aanu u gudbinay maxkamada dastuuriga ah, fasiraadaa sharci oo salka ku haysa xaaladan aanu hada ku jirno ee doorashooyinka lanana sugayo in aanu wakhti u samayno" ayuu yidhi Guddoomiye Xasan.

Waxa uu sheegay in markii la doortay ay soo saareen wakhtiga ay ku qabsoomayso doorashada madaxtooyadu, lakiin intii wakhtiga lagu guda jiray ay wax badani is badaleen, sida in ururo cusubi soo baxeen iyo in wakhtigii uu ka dhacay xisbiyadii hore, sidaas darteedna ay fasiraad sharci maxkamada uga baahdeen.

Waxa uu sheegay in sida mucaaradku sheegayaan anay maxkamada u gudbin awoodoodii ay u lahaayeen in ay iyagu go'aan ka gaadhaan wakhtiga ay doorashooyinku dhacayaan, lakiin ay maxkamada ka codsadeen uun fasiraad sharci, kadibna ay iyagu ku dhawaaqi doonaan sida ay doorashooyinku u qabsoomayaan.

Mucaaradka Somaliland ayaa isla markii la ogaaday warqada ay guddidu u gudbiyeen maxkamada sare dareen diidmo ah ka muujiyay, iyaga oo sheegay in guddidu ay awoodoodii sharci maxkamada uga tanaasuleen.