7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 30, 2023
Dagaal dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo jabhadii isku urursatay buurta Gacan-libaax
 

Axad, Luulyo, 30, 2023 (HOL) - Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Jabhadii dhawaan gashay buurta Gacan-libaax ayaa galabta tuulada Dari-maraa oo buurta u dhow ka dhacay.

Sida uu Afhayeen jabhada u hadlay u sheegay Bakayle Media, dagaal mudo socday ayaa ka dhex qarxay ciidanka RRU-da Somaliland iyo jabhada oo maalmahanba goobo isku dhow daganaa.

"5:30 ayuu dagaalku bilaabmay, anagu dhankayaga khasaare ma hayno, dhaawac iyo dhimasho toona, xogooda gaadhi gubtay mooyaane khaasarahooda ma hayno, goobtii ay daganaayeena dib ayay uga kaceen" ayuu yidhi afhayeenku.

Waxa uu sheegay in ay is haleeleen ciidamada Somaliland oo dagan wado buurta ku dhow iyo koox sahan ah oo ciidankooda ka socotay sidaana uu dagaalku ku qarxay.

Ciidanka uu jabhada dagaalku dhexmaray ayaa deegaankan la geeyay kadib markii ay jabhadu afduub u gaysatay saraakiil ciidan iyo odayaal doonayay in ay lasoo hadlaan.

Ilaa iyo hada koox xildhibaano ah ayaa sheegay in ay ka howlgali doonaan qancinta kooxdan kasoo horjeeda xukuumada si xaalada loo dajiyo.

Dagaal u dhexaya ciidamada Somaliland iyo Jabhad Gacan-libaax ayaa Hada ka socda tuulada Dari-maraa, Wali wax faahfaahin ah ma jirto oo ka soo baxday khasaaraha labada dhinac.