7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 30, 2023
Faysal Cali Waraabe: Shir Muuse dalka lagaga bad baadinayo ha lagu dhawaaqo
 

Axad, Luulyo, 30, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa kooxda dablayda ah ee dagtay buurta Gacan-libaax ugu baaqay in ay hubka dhigaan oo jid nabad ah wax ku raadiyaan.

"Dhallinyarada hubka qaadatay waxaan leeyahay xal maaha in hub la qaato, iyo dagaal la rido, Muuse iyo dalkani isma laha, dalku wuu jiraya Muuse ayaynu iska qabanaynaa inshallah, waxaan leeyahay hubka iska daaya, cata dhiga" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu xukuumada ugu baaqay in ciidamadii dhawaan la geeyay agagaarka buurta gacan libaax, dib loo soo qaado, isla markaana shacabka ayuu uga digay in ay cilaaqaad la yeeshaan dablayda buurta dagan.

Faysal waxa uu sheegay in jadwalkii cusbaa ee ay guddida doorashooyinku ka soo saareen wakhtiga doorashooyinku dhacayaan, oo uu xaaran ku tilmaamay uu masuul ka yahay in dadka qaar kood ay jabhadeeyaan.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu waxba maqli waayeey, isla markaana uu qorshaystay in uu waligiiba madaxweyne ahaada, waxa uuna ku baaqay in bulshadu iskugu timaado shir wadatashi ah.

"Shir deg deg ah oo bad baado qaran ah oo Muuse dalka lagaga bad baadinayo ha lagu dhawaaqo" ayuu yidhi Faysal.

Kooxda dablayda ah oo dhawaan isku urursatay buurta Gacan-libaax ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedaan xukuumada Somaliland, iyaga oo saraakiil ciidan iyo odayaal afduub u gaystay Arbacadii inkasta oo ay saacado kadib fasaxeen.