7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 3 , 2023
Guddoomiye Maddaale: Ma jirto cid sheegan karta lahaanshaha qabuuraha Macalin Nuur
 

Isniin, Luulyo, 3, 2023 (HOL) - Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Maddaale ayaa maanta booqday qabuuraha Macalin Nuur ee duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo dadka qaarkiis ay sheegteen lahaanshiyaha dhulkaasi.

Maayarka magaalada Muqdisho ayaa meesha ka saaray sheegashadaas, wuxuuna faray maamulka deegaanka in ay oodaan xabaalaha.

“Ma jirto cid sheegan karta lahaanshaha qabuuraha Macalin Nuur ee ku yaala duleedka Muqdisho, mana loo isticmaali karo ujeedo kale," ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Qabuuraha Macalin Nuur ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday qodista qabuurahaas, si loogasoo saaro maydadka ku aasan halkaas.

Waxaa la sheegay in koox ganacsato ah ay doonayaan in dhulka qabuuraha kuyaal ay ka sameystaan maalgashi ganacsi. Dad badan ayaana maydadkooda kala baxay qabuurahaan.

Maydadka laga saaray qabuurahaan ayaa qaarkood halkaas ku aasnaa muddo ka badan 30 sano.