7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 3 , 2023
Wasiir Roobow oo ka warbixiyay caqabadii ay la kulmeen Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan Xajisay
 

Isniin, Luulyo, 3, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Barakeysan ee Makka al-mukarama ee Sacuudi Carabiya, ayaa ka hadlay caqabadihii ay la kulmeen Xujeyda Soomaaliya ee Sannadkan ku soo gutay Acmaasha Xajka.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan geeriyootay  ay yihiin 4 ruux oo kala ah labo dumar ah iyo labo Rag ah, waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay lumeen 4 Xaaji,  isla markaana  ay rajeynayaan in waqti dhaw la helo.

Waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan 60 Xaaji  oo  xanuunsatay, isla markaana dadaal dheer  kaddib intooda badan Caafimadeen.

“ Sannadkan Xujeyda Soomaaliyeed ee soo Xajisay,  waxa ay ahayeen tiradooda 11,650 Xaaji,   waxaa jiray  Soomaali kale oo meel kale ka yimid, kuwaas oo noo yimid, laakiin inta ay Dowladda  ogtahay waa tiridii aan idin sheegay, waxaan rajeyneynaa in si nabad galyo ah dalka dib loogu celin doono Xujeyda Soomaaliyeed”  ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Soomaaliya Muqtaar Roobow

Waxa uu xaqiijiyay in ay jirtay cilad yar oo soo wajahday Xujeyda Soomaaliyeed inta ay ku gudajireen Acmaashka Xajka, taasi oo ah in Basaskii qadayay ay soo yara daheen, balse markii dame la xaliyay sida uu hadalka u dhigay Wasiir Roobow.

Sikastaba 1.8 milyan oo Xujaay ah oo ka kala yimid daafaha Caalamka ayaa Sannadkan Xajiyay,  sida ay sheegtay  Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.