7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 3 , 2023
Cumar Cabdirashiid: Waxaan Garowe u nimid in jid loo bixiyo xaaladda siyaasadeed ee Puntland
 

Isniin, Luulyo, 3, 2023 (HOL) - Wafdi ay hoggaaminayaan raysal wasaarayaashii hore ee dalka, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa gaaray magaalada Garowe, si ay qeyb uga qaataan raadinta xalka khilaafka ka taagan arrimaha doorashada Puntland.

Labada masuul ee hore waxay sheegeen inay taladooda ku biirin doonaan xalka waxa uu u muuqda, iyagoo sheegay inay rajeynayaan in mushkiladdii ka dhacay magaalada Garowe lagu dhamayndoono xal siyaasadeed.

“Waxa taagan baan waxaan rajeynaynaa in jid loo bixiyo. Wax badan oo Puntland looga daysado baa dhacay. Doorasho wanaagsan baa dhacday. Waxaan rajeynaynaa waxa dhiman in wanaagsan ku dhamaado,” ayuu yiri  Cumar Cabdirashiid.

Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa kamid ah siyaasiyiin horey uga hor yimid wax kaste oo keeni kara muddo korarsi. Madaxweyne Deni ayay horey uga digeen inuu ku kaco tallaabo kaste oo dhaawaci karta midnimada Puntland.

Ilo xog ogaal ahi waxay sheegayaan in imaatinka siyaasiyiintan iyo kuwa kale oo mucaarad ku ah madaxweyne Deni ay qeyb ka yihiin in hoggaanka Puntland cadaadis lagu saaro in doorashada waqtigeeda lagu qabto, laguna galo habkii qabaliga ahaa ee baarlamaanka lagusoo xuli jiray.