7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 3 , 2023
Waare: Colaadda laga dhex abuuro beelaha Abgaal iyo Xawaadle waa iskudaygii ugu dambeeyay ee lagu fashiliyo dagaalka Alshabaab
 

Isniin, Luulyo, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal lagu fashilinayo guulaha reer Hiiraan ay ka gaareen dagaalka Alshabaab.

Qoraal uu bartiisa Twitter kusoo daabacay, ayuu madaxweyne hore Waare ku sheegay in colaad laga dhex abuurayo beelaha Abgaalka iyo Xawaadle, si Alshabaab loo siiyo fursad ay kaga faaidaystaan colaaddan.

“Shabaabkii waan kaga adkaanay furimaha dagaalka. Si kastaba ha ahaatee hadda ayaa la isku dayayaa in dib loogusoo celiyo furimaha. Dagaalka laga dhex hurinayo beelaha Xawaadle & Abgaal ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee arrintan.

Madaxweyne hore Waare ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iyo hoggaanka Dowladda federalka Soomaaliya inay joojiyaan arrintan.

Hadalka madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa kusoo beegmay, iyadoo muranka ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya Hirshabeelle iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan uu hakiyay ololihii ka dhanka ahaa Alshabaab.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay markii madaxweynaha Hirshabeelle uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan 16-kii June.

Arrintaas oo keentay in guddoomiye Cali Jeyte uu Baladweyne kaga dhawaaqo maamul ka madax bannaan Hirshabeelle oo lagu magacaabo Hiiraan State, isagana uu madaxweyne ka yahay.

Kooxda Al-Shabaab oo ka faa’ideysanaysa khilaafyada siyaasadeed ee ka jira gobolka Hiiraan ayaa iskudayaysa inay dib u qabsadaan degaanadii ay ka qabsadeen ciidamada dib u xoraynta beesha Xawaadle.