7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 3 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo Madaxda ATMIS kala hadashay xasilinta deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab
 

Isniin, Luulyo, 3, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Danjire Mohamed El-Amine Souef, taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Jenaral Sam Okiding iyo taliyaha Booliiska ciidanka ATMIS.

Kulanka ayaa ahaa mid looga arrinsanaayay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanadii dhawaan laga xureeyay dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa dhankiisa balan qaaday in howlgalka ciidanka ATMIS ay kaalin sare ka qaadanayaan howlaha xasilinta deegaanadii laga saaray kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay ka go'an tahay garab istaaga ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay madaxda howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS taageerada iyo caawinta ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka siiyaan la dagaalanka Ururka Al-shabaab.

Gabagabadii kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay ciidanka ATMIS qaar ka mid ah Saldhigyadoodii gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.