7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 27, 2023
Raysal wasaare Xamse oo madaxweynaha Kenya kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 27, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalka Tansaniya oo uu kaga qeybgalay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa halkaasi kulan gaar ah kula qaatay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Raysal wasaare Xamse ayaa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhanka amaanka, ganacsiga iyo isku socodka labada dal.

Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay ahmiyada labada dal uu u leeyahay dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah gudaha dalka Kenya.

"Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac. Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya" ayaa lagu qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay wali wado qorshe dalalka safka hore ah ay kaga qeyb qaadan doonoona wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab oo la doonayo in guud ahaan dalka Soomaaliya lagaga xureeyo meelaha ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.