7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2023
Taliye Shub "Cadaalad daro weyn ayaa ka jirta Xabsiyada oo waxaa jira dad iska xiran mud 10 sano"
 

Arbaco, Luulyo, 26, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ka hadlaayay arrimaha garsoorka iyo cadaalada ayaa sheegay in cadaalad daro weyn ay ka jirto xabsiyada ku yaala magaalada Muqdisho.

Taliye Shub ayaa ugu baaqay hay'addaha ku shaqada leh arrimaha cadaalada iney ku dhaqmaan caadalada si looga gudbo cadaalad darada jirta.

Wuxuu sheegay Taliyaha in xabsiyada ku yaala Muqdisho oo uu ugu horeeyo xabsiga dhexe iney ku xiran yihiin maxaabiis isaga xiran mudo 10 sano ah oo wajahaya cadaalad daro weyn oo u baahan in si dhab ah wax looga qabto.

"Magaca aan wadano kuligeena wuxuu ka tarjumayaa Cadaalad laakiin wax cadaalad la dhahayo dalkaan kama jirto oo waxa xabsiyada aan ku hayna dad iska xiran mudo 10 sano ah, waxaan leyahay caadalada aan ku dhaqano xabsiyada soo fiiriya oo qof walba waxa uu ku xiran yahay hala eego, si gaar ah Booliska, Xeer ilaalinta iyo wasaaradaha amniga oo ay quseyso ka shaqeynta howlaha Cadaalada, waxaan leeyahay aan ku dhaqano Cadaalada" ayuu yiri Taliye  Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub.

Hadalka Taliye Shub ayaa kusoo beegmaya, ayadoo dowladda Soomaaliya ay haatan wado qorshe ay ku hormarinayso garsoorka dalka iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa xatooyada Xoolaha dadweynaha.