7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2023
Baaritaan hordhac ah oo laga soo saaray shil diyaaradeed dhawaan ka dhacay garoonka Aadan Cadde
 

Arbaco, Luulyo, 26, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin hordhac ah looga bixiyay sababaha keenay shil diyaaradeedkii 11-kii bishaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in shilka diyaaradaasi uu ahaa mid ay sababtay dabeyl diyaarada kaga timid dhanka dambe markii ay soo caga dhigtay dhabaha diyaaradaha oo ay ku socotay mudo hal daqiiqo ah.

Baaritaankaan ayaa lagu sheegay inuu yahay midkii koowad, islamarkaana baaritaanka xiga ee shilkan lasoo saari doono bil kadib, halka baarista guud ee ugu dambeysa lagu soo saari doono mudo sanad gudahiis ah, sida lagu sheegay warsaxafadeedka.

Diyaarada Shilka gashay oo ay leedahay Shirkadda Halla Airline ayaa waxaa saarna xiliga ay shilka gashay 34 ruux oo 30 ka mid ah ahayeen rakaab kasoo raacay diyaarada magaalada Garoowe, hayeeshee ma jirin cid ku dhimatay shilka diyaarada, inkastoo ay ku dhaawacmeen laba ruux.

Agaasimaha hay'adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay baaritaano intaan ka badan oo la xariira waxyaabaha shilka keenay lasoo bandhigo doono.

"Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu shilalka yar dunida, marka loo fiiriyo shilalka diyaaradeed ee dhaca, dariskeena fiiriya maalin walba shil baa ka dhaca, Shilkii maalin dhaweydna Dabayl ayaa sababtay baaritaankana wuu socda wali, sanadkii lasoo dhaafay ee 2022 shil ah ma dhicin dalalka kale ee dunida maalin walba bil walba shilal ayaa ka dhaca Alle ayaa mahada iska leh" ayuu yiri Agaasimaha hay'adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin.

Hoos ka daawo Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-