7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2023
Saddex Sarkaal oo ciidanka dowladda oo loo xiray weerarkii xerada ciidamada ee Jaalle Siyaad
 

Arbaco, Luulyo, 26, 2023 (HOL) - Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaas oo aan la shaacin magacyadooda, ayaa loo xiray weerarkii isniintii lagu qaaday xerada Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo qof naftii hallige ah uu isku qarxiyay goob ciidamada lagu faylinayay oo gudaha xerada ah.

Ugu yaraan 30 askari ayaa ku dhintay, in ka badan 70 kalena waa lagu dhaawacay weerarkaas ismiidaaminta ahaa. Waxaana laga cabsi qabaa inay sii kororto khasaaraha dhimashada, iyadoo qaar ka mid ah askarta dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.

Saddexda sarkaal oo uu ku jiro gaashaanle Sare ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo  la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen in ismiidaamiyaha uu gudaha u galo xarunta jaalle Siyaad ee amnigeeda aad loo sugo.

Xariga saraakiishan ayaa salka ku haya sidii loo ogaan lahaa dadkii fududeeyay in qofka is qarxiyay uu gudaha u galo xerada ciidanka isagoo wata walxaha qarxa.

Guddoomiyaha baarlamaanka aqalka hoose Sheikh Aadan Madoobe ayaa shalay mar uu hadlayay wuxuu shaki weyn ka muujiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in la fududeeyay.

Aadan Madoobe ayaa walaac xooggan ka muujiyay habacsanaan dhanka ammaanka ah oo keentay in ninka is qarxiyay uu gudaha u galo xero ciidan oo si weyn loo ilaaliyo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka jawaabaya weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab ayaa ugu baaqay saraakiisha Nabad Sugiddu in ay horyimaadaan Baarlamaanka si ay uga jawaabaan fashilka sababay in askar badan ay ku naf waayeen weerarkan.