7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2023
Raysal wasaare Xamse oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Kuliyada Jaalle Siyaad
 

Arbaco, Luulyo, 26, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ee lagu dilay askar badan oo ka tirsaneyd ciidanka guutada 14-ka Oktoobar.

Raysal wasaare Xamse ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehalada askartii ku geeriyootay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay gudaha xerada ciidanka Kuliyadda jaalle Siyaad oo ku taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid laga xumaado, islamarkaana ahaa weerar fulaynimo.

“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee marka laga soo tago tacsida Raysal wasaaraha kama hadlin talaabada ay Xukuumaddiisa ka qaadeyso shakiga ka dhashay weerarkan Ismiidaaminta ahaa ee geystay dhimashada in ka badan 20 ka mid ah ciidankii ku sugnaa gudaha xeradaas iyo dhawaaca in ka badan 50 kale.

Gabagabadii kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay qaraxaas Ismiidaaminta ahaa ayaa sheegay iney  masuuliyad darro tahay in qof ismiidaamiye ah uu galo xero ciidan, isagoona xusay inuu aaminsan yahay in la fududeeyay weerarkaas, islamarkaana jawaab cad ayaa looga fadhiyo Taliska Xoogga dalka.