7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 26, 2023
Somaliland iyo SSC oo isku eedeeyay waxyeelaynta xarumaha caafimaadka Laascaanood
 

Arbaco, Luulyo, 26, 2023 (HOL) - Somaliland iyo SSC ayuu  dhinacba dhinacaha kale ku eedeeyay in uu masuul ka yahay waxyeelaynta xarumaha iyo shaqaalaha caafimaadka Laascaanood, kadib markii ay hay'adda MSF ku dhawaaqday in ay magaalada uga guurtay amni xumo.

Eedaynta ay isku jeedinayaan labada dhinac ayaa timid kadib markii ay hay'adda caalamiga ah ee MSF oo taageeri jirtay isbitaalka Laascaanood ay sheegtay in ay ka guurtay magaalada kadib markii la damaanad qaadi waayay amniga shaqaalaheeda.

Warbixin kasoo baxday wasaarada gaashaandhiga ayay Somaliland ku sheegtay in shaqaalaha hay'adda MSF lagu qasbay in ay ka guuraan Laascaanood, kadib markii isbitaaladu noqdeen furumo dagaal, iyo xeryo ciidan oo ay isticmaalaan ciidamada SSC.

"Xadgudubyada aadamaha ee ay galayaan huwantu waa qaar aad walaacooda u leh, waxay si u kas ah saldhigyo millateri uga samaysanayaan xarumaha dadweynaha, sida isbitaalada, dugsiyada, dhismayaasha dowlada, iyo meelaha kale ee muhiim ka ah" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Golaha Sare ee SSC ayaa dhankooda Somaliland ku eedeeyay in ay sabab u tahay in ay hay'addu guurto "Waxaanu luuqada ugu adag ku cambaaraynaynaa xasuuqa iyo duqaynta ay Somaliland ka gaysato Laascaanood, taasi oo sababtay barakaca dadkii magaalada iyo gaar ahaan shaqaalaha MSF, oo horseeday in ay hay'addu joojiso howlgaladii ay deegaanka ka waday".

Golaha  Sare ee SSC-Khaatumo waxay sheegeen in ay hay'adda kala shaqayn doonaan sidii ay shaqaalaheeda dib ugu soo celin lahayd Laascaanood, isla markaana ay balan qaadayaan badqabka shaqaalaha caafimaadka.

Hay'adda MSF ayaa ka tagisteeda Laascaanood ku micnaysay in ay u baqday amaanka shaqaalaheeda "Amaanka iyo badqabka bukaanka, dadka bukaanka xanaaneeya, iyo shaqaalaha caafimaadka maaha mid sugan" ayay tidhi MSF. MSF ayaa sheegtay in ay ka howlgali karaan uun meel shaqaalahoodu ku badbaadayo.