7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2023
Howlgal lagu dilay dagaalamayaal Al-shabaab ka tirsan oo ay ku jiraan Ajaaniib oo Maanta ka dhacay Bakool
 

Talaado, Luulyo, 25, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay maanta ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada waajid ee gobolka Bakool oo lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 25 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo 5 ka mid ah yihiin ajaaniib ka tirsaneyd kooxda.

"Khawaarijta la dilay 5 ka mid ah ayaa ahaa ajaanib qayb ka ahayd Maleeshiyaadka loo xilsaaray dhibataynta bulshada ku nool gobolka Bakool" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda.

Gudoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadka kooxda Al-shabaab la geeyay gudaha degmada Waajid, islamarkaana howlgalka maanta uu ahaa mid looga hortagay xubnahaan Shabaab ka tirsan oo qorsheynaayay iney soo weeraraan magaalada Waajid.

Howlgalkaan maanta ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Waajid oo ka mid ah degmooyinka Shabaab ay go'doomiyeen ayaa waxaa uu kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan maamulka Koonfur Galbeedka uu shaaca ka qaaday iney xoogga saareyaan howlgalada ka dhanka ah la dagaalanka Al-Shabaabka ku sugan degaannada maamulkaas, si gaar ah wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.