7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2023
Golaha sare ee SSC-Khaatumo oo bayaan kasoo saaray ka bixitaankii MSF ee isbitaalka Laascanood

Talaado, Luulyo, 25, 2023 (HOL) - Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa bayaan kasoo saaray go’aankii hay’adda MSF ay ku sheegtay inay howlaheeda shaqo uga raranayso isbitaalka Laascaanood.

Golaha sare ee SSC-Khaatumo ayaa uga mahad celiyay hay’adda MSF taageerada caafimaad ee ay siin jirtay dadka Laascaanood iyo guud ahaan SSC-Khaatumo.

Goluhu waxa uu sheegay inuu gar-waaqsanyahay in duqeymaha ay Somaliland ka geysanayso magaaalada Laascaanood ay sabab u yihiin in ha’addu ay joojiso hawlgalladeedii isbitaalka Laascaanood.

“Waxaan luuqadda ugu adag ku cambaareyneynaa xasuuqa iyo duqeynta ay Somaliland ka geysato Laascaanood, taas oo sababtay barakaca dadkii magaalada, iyo gaar ahaan shaqaalaha MSF, horseeday in Hay’addu joojiso hawlgalladii ay deegaanka ka waday, taas oo uga sii dareysa xaaladda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay golaha sare ee Khaatumo.

Golaha dhaqanka SSC-Khaatumo waxay hay’adaha sharciga caalamiga ah iyo kuwa Xuquuqul Insaanka ugu baaqeen in ay diiwaangaliyaan dambiyada dagaal ee ay sheegeen inay Somaliland ka geysatay magaalada Laascaanood iyo Gobollada SSC-Khaatumo si loogula xisaabtamo.

Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ayaa dhawaan ku eedeysay ciidamada Somaliland inay si bareer ah u bartil-maameedsadaan goobaha caafimaadka. Arrintaan oo ay hay’add u ku tilmaamtay dambiyo dagaal.

Golaha Sare ee SSC-Khaatumo waxay u xaqiijiyeen MSF iyo shaqaaleheeda in Maamulka Cusub ee SSC-Khaatumo kala shaqeyn doono hoggaanka hay’adda in shaqaalaha MSF ay dib u bilaabaan hawlgaladooda Laascaanood.