7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 25, 2023
Faahfaahin ku saabsan wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Garowe
 

Talaado, Luulyo, 25, 2023 (HOL) - Magaalada Garowe ayaa saakay ku waaberiisatay iyadoo dadku ay cabsi weyn ka muujinayaan in fadhiga baarlaamaanku dhaliyo iska hor imaan, waxaana taas ay sababtay in dhaqaaqa magaalada aad u yar yahay.

Dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland ayaa weli ka socda magaalada Garowe, xilli baarlamaanka lagu wado inuu maanta u codeeyo wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka

Dad badan ayaa xalay iyo habeen hore isaga qaxay xaafadaha ku teedsan baarlamaanka, iyo meelaha ay kasoo duuli karaan ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka.

Warar aan si dhab ah loo xaqiijin waxay sheegayaan in baarlamaanku fadhi ka dhiganayo xarunta ciidamada ee 54-aad, oo kutaala duleedka waqooyi ee magaalada Garowe, si ay Dowladda uga gaashaamato in lasoo weeraro xildhibaanada baarlamaanka.

Madaxweyne Deni ayaa isimada ku jira xal raadinta u sheegay in uusan ka gorgortamayn in dastuurka wax laga beddelo, taasoo uu sheegay in ay ku xiran tahay sii socoshada iyo hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay, sida aaan kasoo xiganay ilo xog ogaal ah, in aysan marnaba u qorshaynayn  in doorashada waqtigeedii laga dib mariyo.

La socda wixii kusoo kordha xaaladda.