7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2023
Maxkamadda gobolka Banaadir oo Maanta la horgeeyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe
 

Isniin, Luulyo, 24, 2023 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga dacwad loo haysto sadax Sarkaal oo ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe, kuwaas oo loo haysto eedo la xariira Musuqmaasuq.

Sadaxda Sarkaal ee Maanta la horkeenay Maxkamadda gobolka ayaa ka howlgalayay xarumo ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo eedeeyay arrimo la xariira xatooyo Xoolo dadweyne.

Saraakiisha eedeeysanayaasha ah ayaa lagu kala magacabaa Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulihii xafiiska Canshuuraha Bariga Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal Abtidoon oo ka tirsan Bangiga Dhaxe kana shaqeeynayay qeybta Dakhliga ajaanibta ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo dhamaantood Xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay falal la xariira musuqmaasuq xatooyo xoolo dadweyne.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa soo bandhigay eedaha loo heysto masuuliyiintaan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe, isagoo mid mid u weydiiyay eedaha loo haystay ragaan.

Dhawaan ayay aheyd markii sidaan oo kale Maxkamadda gobolka Banaadir la horkeenay afar xubnood oo ka tirsan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha, kuwaas oo iyana loo heystay inay ku kaceen falal la xiriira xatooyo Xoolo dadweyne

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay dhowr jeer u sheegay inuu marnaba uusan aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida umadda oo ay dowladda masuulka ka tahay.