7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 24, 2023
Hay'adda MSF oo ku dhawaaqday inay adeegyadeeda kala baxayso isbitaalka Laascaanood

Isniin, Luulyo, 24, 2023 (HOL) - Hay’adda dhaqaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF ayaa go'aan adag ku gaartay inay adeegyadeeda kala baxdo isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

War qoraal ah oo hay’adda kasoo baxay ayaa lagu sheegay sababta uga baxday isbitaalka Laascaanood, in ay tahay, xaaladda amni ee sii xumaanaysa ee ka jirta Laascaanood, taasoo saameeysay bixinta daryeel caafimaad oo ammaan ah.

“Weerarada soo noqnoqda ee xarumaha caafimaadka iyo rabshadaha ba'an ee Laascaanood ayaa gaaray heer ay MSF aysan awoodin inay bixiso daryeel caafimaad. Ilaalinta iyo badbaadada bukaanka, daryeelayaashooda, iyo shaqaalaha caafimaadka lama dammaanad qaadi karo amnigooda,” sidaasi waxaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’adda MSF.

Dhacdadii u dambaysay ee 8-dii Luulyo, ayaa cisbitaalka guud ee Laascaanood lagu garaacay madaafiic, kaas oo sababay dhaawac soo gaadhay shaqaalaha caafimaadka iyo daryeelayaasha.

“Waan ka xunahay in nalagu qasbay inaan joojino taageeradayada caafimaad. laakiin waxaan u baahanahay inaan ka shaqeyno deegaan heerarka ugu yar ee badbaadada lagu hubiyo bukaanka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka.” Ayay tiri MSF.

Tan iyo bishii Maajo 2019, MSF waxa ay isbitaalka guud ee Laascaanood ka taageertay qalabka caafimaadka iyo daawooyinka, iyo sidoo kale taageero dhaqaale oo ay siiso shaqaalaha bixiya adeegyada caafimaadka.