7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2023
Guddoonka labada aqal oo magacaabay wakiillada Soomaaliya ku matalaya baarlamaanada IGAD iyo ururka iskaashiga Islaamka

Axad, Luulyo, 23, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha golaha shacabka, Sheikh Aadan Mohamed Nuur Madoobe, iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya midowga Baarlamaanada ururka iskaashiga Islaamka (OIC).

Labada guddoomiye ayaa sidoo kale waxay si wadajir ah u magacaabeen xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka Urur Goboleedka IGAD.

Wakiillada loo magacaabay Midowga baarlamaanka ururka iskaashiga Islaamka, ayaa ka kooban 5 xubnood oo 4 kamid ah ay ka socdaan baarlamaanka aqalka hoose, halka midka shanaadna uu matalayo baarlamaanka aqalka sare.

Halka baarlamaanka Urur Goboleedka IGAD, loo magacaabay shan xubnood oo 4 kamid ah ay yihiin xildhibaano ka socda golaha shacabka, halka hal xubin ay ka socoto golaha aqalka sare.

Wakiilladan ayaa beddelidoona xildhibaanadii baarlamaanka horey ugu matalayay labada urur goboleed, kuwaas oo muddo xiloodkii uu dhamaaday.