7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2023
Heshiis hordhac ah oo laga gaaray dagaal beeleed dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Axad, Luulyo, 23, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta heshiis hordhac ah laga gaaray dagaal beeleed dad badan ku dhinteen oo todobaadkii lasoo dhaafay ku dhexmaray beelo walaalo ah inta u dhaxeysa degmooyinka Cadale iyo Raage ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoggaaminaayay xubno ku baxay xalinta xiisadda colaadeed ee u dhaxeysay labada Maleeshiyo beeleed ayaa ku guuleystay in xabada la joojiyo oo la kala qaado labada ciidan ee xiisada u dhaxeysay.

Xubanaha ku howlan xal u helista xiisada ayaa afar goobood u cayimay in la kala geeyo ciidan beeleedka dagaalamay oo kala ah Boos Muluq, Gayfo, Ceel Xarar iyo Bursho Sheekh oo dhamaantood ah deegaano hoos taga degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa dhankiisa sheegay in dadaalo badan ay wadeen mudooyinkii dambe oo ku aadana xalinta dagaal beeleedka in ugu dambeyn maanta lagu guuleystay in ciidanka la kala qaado markii madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dhaqanka beelaha dagaalamay ay soo gaareen meelahii lagu dagaalamay.

"Maanta ayaa la guuleystay in lakala qaado ciidanka waxaana la balamay in laba maalin kadib la isugu yimaado wadahadalo lagu dhameeynayo tabashooyinka waxii dhexmaray beelaha walaalaha ah ee colaadu u dhexyso" ayuu yiri Wasiir Karoore.

Si kastaba ha ahaatee Colaadda u dhaxaysa beelaha dagaalamay ayaa soo jiitaymaysay mudo ka badan sanad, waxana ku dhintay dirirta labada Maleeshoyo beeleed u dhaxeysa dad badan oo tiradooda si saxa aan loo diiwan galin, waxaana jirtay in sidoo kale labada dhinac iney horay isaga gubeen tuulooyin badan.