7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2023
Sarkaal katirsanaa maamulka degmada Hodan oo beeniyay inuu Alshabaab isku dhiibay
 

Axad, Luulyo, 23, 2023 (HOL) - Abuukar Salaad Maxamuud oo ahaa masuul kasoo shaqeeyay gobolka Baanadir, horeyna usoo noqday guddoomiyihii arrimaha bulshada ee degmada Hodan, ayaa beeniyay war kasoo baxay Alshabaab, oo uu ku sheegay inuu isku dhiibay kooxdaas.

Alshabaab ayaa faafiyay wareysi maqal ah oo laga duubay ninkan, isagoo sheegaya inuu isku dhiibay Alshabaab, si uu uga madax bannaanaado arrimaha dowladda uu katirsanaa.

Wareysigaas markii uu ka baxay warbaahinta Alshabaab, ayaa Abuukar Salaad Maxamuud, hor yimid warbaahinta, isagoo sheegay in codkaas looga duubay si khasab ah, kaddib markii uu sheegay in ay Alshabaab afduubteen.

Abuukar Salaad wuxuu sheegay in lagu amray inuu bixiyo wareysi uu ku caddeynayo inuu Dowladda Soomaaliya ka baxay, islamarkaana uu ku biiray Alshabaab, haddii kale uu naftiisa weynayo.

Wuxuu sheegay, si uu naftiisa u badbaadiyo inuu aqriyay warqad horey loosii diyaariyay.

Inkastoo uu sheegay in wareysigaas laga qaaday sanado ka hor, haddana wuxuu tilmaamay in Alshabaab ay ugu hanjabeen inay codkaas faafindoonaan haddii uusan fulin awaamiirtooda.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago hay’adaha amniga, si uu ugu caddeeyo inuusan kamid noqon Alshabaab marnaba, isagoo tilmaamay codka Shabaab ay faafiyeen inuu yahay cod ay ku doonayaan inay ku sumcad dilaan.