7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2023
Alshabaab oo labo todobaad kaddib sii daayay gaadiid xamuul u siday magaalada Baydhabo
 

Axad, Luulyo, 23, 2023 (HOL) - Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay sii daayeen qaar ka mid ah gaadiidkii ku wajahnaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay ku xannibeen degaano katirsan gobolka Baay.

Warar ayaa sheegaya in gaadiidkan lagusii daayay, kaddib markii odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed ay wada hadal la galeen saraakiil Shabaab ah, si loo sii daayo gaadiidka.

Hase ahaatee, maamulka Koonfur Galbeed ayaa arrintaas beeniyay, wuxuuna sheegay howlgalladii dhowaan laga fuliyay gobolka Baay in ay qeyb ka tahay in gaadiidka ay si nabad ah ugasoo gudbaan degaanada lagu xannibay.

Kooxda Alshabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaanka Mooda-Moode, oo ah goob la sheegay in Al-Shabaab ay isbaaro u dhigtaan gaadiidka xamuulka ah ee ka yimaada magaalada Muqdisho, kunasii jeeda magaalada Baydhabo.

In ka badan labo toddobaad oo ay gaadiid badan oo xamuul ah ku xannibnaayeen gobolka Baay, waxay sababtay in qiimaha maciishadaha nolasha ay kor u kacaan, arrintaas oo saamayn ku yeelatay dadka degaanka, kuwaas oo awal horeba la daalaa dhacayay saamaynta abaaraha.

Go’doominta Alshabaab ayaa sare u qaaday qiimaha la kala siisto raashinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolasha dadka ku nool magaalada Baydhabo.