7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2023
Cali Xaamud Jibriil oo ka tanaasulay tartanka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
 

Axad, Luulyo, 23, 2023 (HOL) - Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil ayaa xalay xili danbe sheegay in uu ka tanaasulay tartanka xilka guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Cali Xaamud oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada, ayaa sheegay in tanaasulaada ay ku kaliftay kadib markii 7 kamid ah 13 xildhibaan oo ay kasoo wada jeedaan gobolka Awdal ay kaga baxeen balan ay hore uga qaadeen, oo ahayd in ay dhisi doonaan.

"Ujeedada aan usoo afmeeray waxa weeyi markii 32 xildhibaan oo reer Somaliland ah la iisoo ururiyay oo aan ka shaqaynay anaguna aanu ahayn 13 reer Awdal ah guushuna ay sidaa nagu ahayd, ayay xildhibaanadii reer Awdal kala badh diideen in guddoomiyaha golaha wakiilada la qaato" ayuu yidhi Cali Xaamud.

Waxa uu sheegay in xildhibaanadii uu ka rajaynayay in markii ugu horaysay ay qof reer Awdal ah guddoomiye ka dhigaan ay ku qanceen in uu sii joogo xilka guddoomiye ku xigeenka labaad sidaana ay taageeradii kagala noqdeen.

Waxa uu sheegay in uu kursiga uga tanaasulay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo isla xisbiga UCID ka socda kaasi oo Sabtidii xili danbe shaaciyay in uu u sharaxanyahay xilka guddoomiyaha golaha.

Hada loolanka kursiga saddexaad ee Somaliland ugu awooda badan waxa iskugu soo hadhay Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo doorkii horena la tartamay guddoomiyihii iscasilay ee Cabdirisaaq Khaliif iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir.