7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay boqallaal maxbuus
 

Sabti, Luulyo, 22, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis madaxweyne ku siidaayay 388 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiyada Somaliland.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland Madaxweyne Biixi ayaa cafiskan u fidiya maxaabiista u xidhnaa danbiyada fudud munaasibada curashada sannadka cusub ee Hijiriyada awgeed

"Waxaan Go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis guud u fidiyo, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 388 maxbuus" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen, waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud sida qoraalka lagu sheegay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa badana cafis u fidiyada maxaabiista danbiyada fufud ku xukuman ee jeelasha ku jirta xiliyad munaasibadaha sannadka cusub, ciidahaha iyo 18 may.