7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2023
Qarax lagu dilay Sarkaal ka tirsan Hirshabeelle oo ka dhacay magaalada Jowhar

Sabti, Luulyo, 22, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada Jowhar lagu dilay Sarkaal ka tirsana ciidanka dowladda hoose ee magaalada Jowhar.

Sarkaalka qaraxa lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti, kaaso u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa oo aan wali noociisa si rasmi ah loo xaqijjin ee maanta lagula eegtay Suuqa Xoolaha magaalada Jowhar,  waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay askar kale oo la socotay Sarkaalka geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Jowhar oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa baaritaano ka sameeyay gudaha Suuqa xoolaha oo ah halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday dhaawacyada askarta oo qaarkood loo qaaday magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaate qaraxaan ayaa imaanaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tagay magaalada Jowhar, hayeshee uu gudaha u gali waayay magaalada sababo la xariira amaanka, islamarkaana kulan aan la shaacin waxa looga hadlay kula yeeshay gudaha garoonka diyaaradaha Jowhar madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.