7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2023
Jigjiga : Nin u geeriyooday maqas la sheegay in calooshiisa lagu ilaaway xilli qalliin lagu samaynayay

Sabti, Luulyo, 22, 2023 (HOL) - Aabe Shukri Macallin Maxamuud oo u dhashay dowlad degaanka Soomaalida ayaa la sheegay inuu u geeriyooday maqas lagu ilaaway calooshiisa, xilli qalliin loogu samaynayay Isbitaalka wayn ee Jigjiga sida uu Warbaahinta la wadaagay wiil uu isagu dhalay.

Qalliinkan lagu dhex ilaaway maqaska ee uu u geeriyooday Shukri ayaa la sheegay inuu ahaa dhawr bilood ka hor, ilaa iyo wakhtigaa Shukri waxa uu ka cabanayay caloosha gaar ahaan dhinaca uu maqasku xigay, iyadoo dabayaaqadii toddobaadkan dib loogu celiyay baadhis iyo in Scan lasaaro dhinaca uu Shukri ka cabanayo ee uu maqasku kaga jiro.

Isla Isbitaalka wayn ee magaalada Jigjiga ee loo yaqaano Jigjiga Referal Hospital ayaa lagu ogaaday in maqas uu caloosha Shukri ku jiro, iyadoo markii dambena qalliin kale oo maqaskii lagaga soo saarayo Shukri lagu sameeyay, balse laguma guulaysan in la badbaadiyo nafta Shukri, oo waxa uu u geeriyooday qalliinkii dambe.

Wiilka uu dhalay Shukri Macallin oo lagu magacaabo Maxamed ayaa sheegay in wali qoysku ku mashquulsan yihiin Aaska Aabahood Shukri, oo aysan wali cidna kala hadlin dhacdadan murugada leh "Weli waxaan ku mashquulsaneen Aaska iyo tacsida, balse waxaan qorsheyneynaa inaan arrintan galno," ayuu yiri Maxamed oo ah wii uu dhalay duqa geeriyooday ee Shukri Macallin.

Dhacdadan oo ah mid ku cusub degaanka Soomaalida ayaa noqotay mid maalmahan aad looga hadal hayo gudaha dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo shacabkuna uu ka war sugayo waxa ay dhacdadan uga jawaabi doonto Xukuumadda degaanka Soomaalida iyo maamulka Isbitaalka wayn ee magaalada Jigjiga, oo ah isbitaalka la sheegay inay dhacdadani ka dhacday.

Isbitaalka wayn ee Jigjiga ayaan wali ka jawaabin eedayntan loosoo jeedinayo ee ah in maqas lagu dhex ilaaway mid kamid ah bukaannada isbitaalka soomaray oo lagu magacaabo Shukri Macallin, kaas oo markii dambe u geeriyooday qalliinkii dambe ee maqaska looga soosaarayay

Shukri ayaa Ifka ooga tagay 7 caruur ah iyo hal Xaas, waxayna qoyska Shukri ka war sugayaan waxa ay dowladdu kaga jawaabi doonto dhacdadan argagaxa leh.