7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2023
Xildhibaan katirsanaa baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nayrobi

Jimco, Luulyo, 21, 2023 (HOL) - Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba) oo ka mid ahaa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, ka dib markii uu xanuun ku soo booday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa tacsi u diray qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday xildhibaanka.

 “Waxaan xanuunka iyo murugada la wadaagayaa qoyska, qaraabada, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed geeridii ku timid Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Cumar Jubba” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar (Jubba), Madaxweynaha ayaa marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa nin dhallinyara oo door firfircoon ku dhex lahaa xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa kamid ahaa xildhibaanadii heer federaal ee lagu doortay magaalada Muqdisho, wuxuuna ku fadhiyay kursiga sumadiisu ahayd HOP#269.